Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadiisa, iyagoona loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya Magaalada Garoowe, kaasi oo markii horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Garoowe Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta qaarkood ee ka dhacay shirka Madasha oo la filayo inuu Maalinta berri halkaas ka furmo.
Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socday ayaa shalay gaaray Garoowe, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga.
Ammaanka guud ayaam siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.