Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee Gollaha Wakiillada maamulka Galmudug.
Xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacday xarunta Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Maxamed Nuur ayaa sharxay waxyaabihii uqabsoomay kalfadhigii 1-aad iyo waxyaabaha u qorshaysan kalfidhigaan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, waxa uu jeediyey khubad dhaxalgal ah oo dhinacyo badan khuseysa sida; amniga, dib-u-heshiisiinta, garsoorka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo arrimaha siyaasadda.