Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga gudaha ayaa maanta booqday xerada tababarka Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee Dhaankaroone.
Ugu horeyntii Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Mcalin Fiqi ayaa ka warbixiyey Xaalada Ciidamada iyo halka tababarka uu maraayo.
Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlayay ciidamada Daraawiishta ee tababarku halkaas uga socdo ayaa ammaanay macalimiinta, saraakiisha iyo ciidamada tababaraya, wuxuuna ballanqaaday Madaxweynuhu in uu kor u qaadayo daryeelka ciidamada tababaranaya iyo daboolida baahiyadooda.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta booqday Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana safarkiisa Cadaado ku wehlinayay Madaxweynaha Puntland oo usii gudbay Magaalada Gaalkacyo.