Xilli aan Madaxweynaha Kenya maalmahan lagu arkin Fagaarayaasha ayaa waxaa haddana soo baxayo inuu Uhuru Kenyatta maalmaha soo socdo qaabili doono dhigiisa dalka Ethiopia, haweeneyda lagu magacaabo Sahle Work Zewde.
Sida laga soo xigtay Safaaradda Ethiopia ee magaalladda Nairobi, waxay Madaxweyne Sahle Work Zewde maalinta talaadada ee soo socota booqasho hal maalin ah ku tegi doontaa caasimadda Kenye aa Nairobi.
Muhiimadda ugu weyn ee booqashadeeda ayaa la sheegay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta kala hadli doonto qaababka loo xoojin doono xiriirka labada dal iyo Iskaashiga Danaha Guud ee Arrimaha gobalka.
Balse, ilo ku sugan Nairobi ayaa rumeysan inay Booqashadda Madaxweynaha laga yaabo inay meesha ka saarayso Eedeymaha Kenya ku sheegayso inay Dowladda Ethiopia inay doonayso inay iskaashi dhow la yeeshaan Somalia, isla markaana ay dhabarka u jeedisay Kenya.
Waxaa kaloo jira muran ku aadan iska horimaadyadii dhex maray Bulshooyinka deggan xuduudka Kenya iyo Ethiopia.
Bishii la soo dhaafay, Danjiraha Ethiopia u jooga Nairobi, Meles Tikea waxa uu beeniyey inay eedeymaha ku aadan inay Kenya dhabarka u jeediyeen, wuxuuna xusay inay Ethiopia go’aansatay inay xiriir dhow la yeeshaan dalalka deriska ee Baddaha leh.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ethiopia tartan kula jirin Kenya dhinac kasta, balse ay la sii ahaan doonaan Saaxiib Istaraataiji ah.
Dhanka kale, Booqashadda ay Madaxweynaha Ethiopia, Sahle Work Zewde ku tegi doonto Kenya ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweyne Uhuru Kenyatta la sheegayo inaysan Indhaha Bulshadda arkin muddo 2 isbuuc ah, kadib, markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tegay dalka Shiinaha.
Si katsbaa ha ahaatee, Dadka Kenyanka waxay shalay barta Twitter-ka ku wadaagayeen codsiyo ku aadan in jawaab loo helo halka uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku sugan yahay.