Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu yeeray Dagaalamayaasha Alshabaab inay isa soo dhiibaan, xilli ay soo baxeen warar sheegayo inay Alshabaab ku kala qeybsan yihiin inay ka sii mid ahaadaan Ururka Alaacida ama inay ku biireen Kooxda Daacish.
War qoraal oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay Wakaalladda Wararka AFP baahisay ayaa waxa uu Alqaacida iyo Daacish ku tilmaamay kooxo Wax-burburiya, wuxuuna xusay inuu aad uga war hayoKhilaafka Alshabaab dhexdooda, lana dareemayo inay yihiin koox ka luntay jidkooda.
Waxa kaloo uu sheegay inaysan Somali u baahnayn magac koox kale oo cusub oo ku lug leh Argagixiso iyo Naxariis-darro, wuxuuna u tilmaamay Alshabaab inay jirto  Xulasho kale, ee saxdda ah iyo   ee saxda ah , Xulashadda Barakaysan ee lagu gaarayo Nabadda.
Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu tilmaamay inta ay Alshabaab hayin u noqon lahaayeen Dacaish iyo Alqaacida inay habboon tahay inay ka haraan Argagixisadda, iskuna soo dhiibaan Dowladda.
© Radio Dalsan
Xigasho: AFP