Hoggaamiyayaasha Carabta, Boqorada iyo Amiirada ayaa la filayaa inay ka wada qeyb galaan Shirweynaha 29-aad ee Madaxda dalalka Carabta, oo Axadda soo socda ka furmi doona magaalladda DAMMAAM ee Bariga Sacuudiga.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb-geli doono Shirkaasi oo Ajendayaasha looga hadlayo ka mid yihiin sidii loo taageeri lahaa Dowladda Somalia, Xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Yemen, Libya, Faragelinta Iiraan iyo dhibaatada ay Yuhuudda ku hayaan Reer Falastiin iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
Qabsoomida Kulankaasi ayaa ku soo beegmayo, xilli ay xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka.
Dhinaca kale, Maxamuud Cafiifi oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Madaxda Dowladaha Carabta oo ay kuwa dalka Qatar ku jiraan lagu casuumay Shirkaasi
Waxa uu tilmaamay inuu ShirMadaxeedka Carbeed ku soo beegmay iyadoo ay xiisado waa weyn ka dhex jiraan dalalka Carabta.
Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Carbeed waxay maanta Kulan ku leeyihin Casimadda Sacuudiga ee RIYAAD, iyagoo diyaarinaya Ajendayaasha la hor-dhigi doono.Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta.