Madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo muuqday ESTv isagoo u tacsiyaynaya dadkii ku waxyeeloobay rabshadihii maanta ka dhacay Jigjiga.
Madaxweynaha oo warkiisu aad u koobnaa ayaa dadka kula dardaarmay inay dhowraan hantida iyo amniga, wuxuuna muuqaalka goobta uu ka soo hadlayo u muuqatay xarun ka mid ah xafiisyada degaanka ee Jigjiga.
Warar aan la xaqiijin baa sheegaya inay gudaha Magaalada isaga baxeen Ciidamadii Milatariga ahaa ee saaka soo galay, lakiin wali waxay fadhiyaan hareeraha Magaalada.
Xili ay maanta DF Ethiopia duulaan ku tahay shidaalka deegaanka Soomaalida, ayaa waxay qowmiyadda oromada ku gowracday baabili 4 qof oo Soomaali ah, labo ka mid ah ahaayeen gabacsato Soomaali ah.
Magaalooyinka Qabridahare, Godey iyo dhegaxbuur ayaa laga dareemay guux adag iyo suuro galnimada dibadbaxyo ka bilowda halkaas.