Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dalka Turkiga ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu booqasho rasmi ah ku tegi doono Caasimadda dalka Iran ee Tehran bishan July 19-da.
Casuumaadaasi ayaa waxaa Madaxweyne Erdogan soo gaarsiiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iran, Amir Abdollahain oo bishii hore ee June 27-da booqasho ku tegay Caasimadda Turkiga ee Ankara.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran ayaa waxa uu xilligaasi kulamo la qaatay dhigiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu iyo Madaxweyne Erdogan.