Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inuu ka qayb geli doono dooarshada madaxtinnio ee dalkaasi ka dhacaysa bisha April ee 2021.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in mar kale uu yahay musharax u taagan yahay xilka Madaxweynaha dalkaas.
Geelle oo si toos ah shacabka Jabuuti ugala hadlay Telefashinka dalkaas ayaa sheegay in laga dalbaday inuu isa soo sharaxo, isla markaana arrintaas ay tahay sababta keentay inuu xilka isku soo taago markii afaraad.
Madaxweyne Geelle ayaa muddo ku dhow
20 sano ah haaya xilka Jabuuti, isagoo lagu tilmaamo inuu yahay keligii taliye xukunka ku raagay, waxaana markii ugu horreysay xilka loo doortay 9-kii April 1999-kii.
Doorahada Madaxtinimada dalka Jabuuti, ayaa waxaa ay dhaceysa bisha April ee sanadka soo socda ee 2021.