Madaxweynaha dalka Hidniya, Shiri Paranab Mukherjee waxa uu dhambaal hambalyo ah u soo diray dhigiisa dalka Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud munaasbadda Maalinta Xorriyadda iyo Israaca Somalia oo ku beegan berrito oo ay bishu tahay 1-da Luulyo.
“Anigoo ku hadlayo magaca Dowladda iyo Shacbiga Hindiya iyo magacayga waxaa farxad weyn ii ah inaan salaan diiran kuu soo diro Adiga iyo Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda MaamlintaQaranka Somalia†ayuu yiri Madaxweynaha dalka Hindiya oo intaasi ku daray inay Dowladaha Somalia iyo Hindiya ku naaloonayaan xiriirka diiran iyo saaxiibtinimo ee labada waddan.
Madaxweynaha dalka Hidniya, Shiri Paranab Mukherjee waxa uu dhambaalka uu u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay inuu hubo inay Somalia ku tallaabsanayso dadaalka Nabadda, Dhismaha Hay’addaha Dowladda, Horumarinta Dhaqaale iyo Bulsho ee Somalia.
Waxa kaloo uu Dhambaalkiisa ku sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada Waddan, wuxuuna u rajeeyey caafimaad wanaagsan iyo inay Ummadda Soomaaliyeed ku guuleystaan daadaalka ay ku horumarinayaan dalkooda hooyo.
Ummadda Soomaaliyeed waxay maalintii berrito u dabaal degi doonaan 55-guuraddii ka soo wareegtay Madax-bannaanidda Goballadda Koonfurta iyo Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia.
© Warqabadka Radio Dalsan