Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray Magaalada Beyruut ee Caasimadda Lubnaan, taasi oo dhawaan qaraxyo xooggani ay gilgileen.
Madaxweyanaha ayaa noqonay Mas’uulkii ugu horreeyay ee gaara dalkaasi, waxaana jira gargaar ay Faransiisku u direen Lubnaan.
Gargaar isugu jira qalab Caafimaad, shaqaale iyo dhaqaatiir ayaa Lubnaan soo gaaray, kuwaas oo ka qayb qaadan doona sidii loola tacaali lahaa bukaanada Cisbitaalada ku jira ee ku waxyeeloobay Qaraxyadii ruxay Beyruut.
Dhaqaatiirta ka yimid Fransiiska ayaa waxaa ay gaarayaan sida la sheegay 10 dhaqtar, kuwaas oo si gaar ah uga qayb qaadan doona gurmadka loo fidanayo dadka dhibaatadu ku dhacday ee Cusbitaalada jiifa.
Macron ayaa booqday halka Musiibadu ka dhacaday, waxana socdaalkiisa ku weheliya qaar ka mid wafdiga kala yimid dalkiisa faransiiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan dolwadda lubnaan.
Wali waxaa isi soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo waddamada Caalamka ee ku aaddan sidii loo garab istaagi lahaa shacabka reer Lubnaan, waxaana jira dalal badan oo ballan qaadyo sameeyay, halka ay jiraan waddamo si toos ah dawooyin iyo shaqaale caafimaad ugu soo diray dalkaaasi.