Madaxweyne Pierre Nikuruziza oo dhawaan ka badbaaday Afgembi lagala wareegi lahaa Talada dalkaasi  ayaa maanta ka hadlay Muuqaalkii Video-ga ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku sheegeen inay weerari doonaan dalalka Uganda iyo Burundi oo ay Ciiddamo ka joogaan gudaha dalka Somalia.
Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Bujunbuura, waana markii ugu horreysay oo uu  Madaxweyne Pierre ka soo muuqdo meel fagaare ah tan iyo markii u uka badbaaday afgembigii toddobaadkii hore.
“Waad og tihiin inay Burundi ka mid tahay dalalka ciiddamadda ugu yaboohay Hawlgalka AMISOM, waana arrintaas sababaha aan ula xiriirayo Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, oo ay Alshabaab beegsadeen†ayuu yiri Madaxweynaha dalka Burundi.
Waxa uu intaasi ku daray in hadafkiisa La-tashiga ee Madaxweynayaasha kale tahay sidii loo eegi lahaa Istaraatijiyadaha lagu joojin karo cabsidaas dhinaca Ammaanka ee dalka Burundi.
Dhinaca kale,  Madaxweynaha dalka Burundi  waxa uu tilmaamay inay si dhab ah u qaateen digniinta Alshabaab, wuuxuna hoosta ka xariiqay inay qaadeen tallaabooyin looga hortagayo Alshabaab.
Madaxweyne Pierre Nikuruziza oo ay ku furan yihiin shaqaaqooyin siyaasadeed kama uusan hadlin arrimaha la xiriira Isku-daygii Afgembigii xilka lagala wareegi lahaa iyo Tallaabooyinka uu ka qaadi doono Saraakiishii ka dambeysay Isku-daygaasi.
17 Sarkaal oo ay ku jireen Shan Jeneral ayaa lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen Isku-dayga Afgembiga ee fashilmay, kuwaasi oo Maxkamad la soo taagayo.