Madaxweynaha dalka Burundi Evariste Ndayishimiye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa u bilaabanty socdaal 2 maalmood ah oo ay ku joogi doonaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ay barqanimadii maanta ka degeen Garoonka Caalamiga Kisumu International Airport, waxaana ku soo dhaweeyey Hoggaamiyaha Mucaaradka ee hoggaamiya Dhaqdhaqaaqa ODM, Raila Odinga iyo Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Kenya.
Madaxweynaha Burundi ayaa waxaa uu ka mid yahay Mrti Sharaf lagu casuumay Munaasabadda Maalinta Madaraka Day oo berrito Kenya looga dabaal-degi doono.
Afhayeenka Aqalka Dowladda Keny, Kanze Dena ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo biiri doono Madaxweynaha Burundi oo iyagu socdaal horumarineed maanta ku mari doono magaalladda Kisumu, iyagoo si wadajir u furi doon Mashaariic, kuwo cusubna dhgax dhigi doona.
Waddanka Kenya waxaa sanad kasta bisha June 1-da looga dabaal-degaa Maalinta Madaraka Day oo ah Maalin Fasax Qaran, iyadoo Luqadda Sawaaxiliga Erayga Madaraka micnahiisu yhay Awoodda Xukunka.