Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ee dalkaasi kula kulmay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Kulankaan ayaa ahaa mid aan horay loosii shaacin,waxana weli la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar.
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Nairobi u jooga wadahadalo uu la leeyahay Masuuliyiin ka tirsan Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta Itoobiya,iyada oo ay dhex dhexaadineyso dowladda Kenya.