Iyadoo uu Madaxweyne Farmaaj magacaabay Agaasimaha iyo Ku-xigeenka Madaxtooyadda ayaa waxa soo baxayo qorshe lagu doonayo in Isbedel lagu sameeyo Waaxyaha hoos taga Madaxtooyadda iyo in la yareeyo Tirada Shaqaalaha ka hawl-gala Villa Somalia.
Wararka ayaa sheegayo in inta badan Waaxyaha Villa Somalia la isku dari doono, si loo soo kobo Madaxda iyo Shaqaalaha ka hawl-gala.
Isku-shaandheyntaasi ayaa waxa uu kaar iyo walaac xooggan ku beertay  Shaqaalihii caadiga, kuwaasi oo ka cabsi qaba in shaqada laga ruqseeyo, laguna soo bedelo shaqaale cusub.
Qaar ka mid ah sahqaalihii Villa Somalia ayaa iskood uga tegay, kadib, markii Mdaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud xilka ku wareejiyey Madaxweyne Farmaajo.
Waa arrin caadi ah in marka Madaxda Qaranka xilka kala wareegaan inuu Isbedel lagu sameeyo Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Waaxyaha Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, waxaana isweydiin mudan goormee ayaa laga garaad kori doonaa Ficilka noocaasi ah?
©Radio Dalsan