Weli waxaa Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ku sii qul qulaya Madax kala duwan kuwaas oo doonaya dhammaantood in ay ka qeyb galaan Shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in ay Dhuusa Mareeb tagaan Madax Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, sida Puntland oo shalay ka baaqday Koonfur Galbeed,waxaana halkaasi shalay tegay Madaxweynaha Hir-Shabeelle, iyada oo uu ka cudur daartay in uu Dhuusa Mareeb tago Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Wararka aan ka heleyno Dhuusa Mareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada at buux dhaafiyeen Masuuliyiin iyada oo Maamulka degmada Dhuusa Mareeb oo amniga so aad ah u ilaalinta.