Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inay gaaraan Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay  tagaan Garoowe,si ay uga qeyb galaan Shirka maalinta barri ka furmaya halkaasi ee u dhexeeya Dowladda dhaxe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan shir wadatashi ah isugu yeeshay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada,isla markaana waxaa lagu wadaa in Garoowe Maanta ay tagaan Wafuud kala duwan.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socota qabanqaabada lagu soo dhaweeynayo Wafuuda kala ee ku wajahan halkaasi,waxaana aad loo adkeeyay amniga Magaalada oo dhan,waxaanna meel waliba la dhigay Ciidamo gaar ah.