Waxaa goor dhow xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni lagu wadaa in ay ka billaabato xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in uu ka soo baxo warmurtiyeed ku saabsan heshiis ay si wadajir ah u saxiixeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.
Munaasabadda xiritaanka shirka ayaa waxaa ka soo qeybgali doonaan dhammaan saamileyda siyaasadda marka laga reebo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo aan ku qancin guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi.
Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Madaxbannaan ayaa shirka qayb ka ah, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan ururada Riyadka ay ku baaqeen in Mas’uuliyiinta Muqdisho ku shiray ay ka dhabeyaan waxyaabaha ay ku hashiiyeen.
sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in loo baahan yahay in mar dambe aysan soo laaban khilaafaadka hadda laga wada hadlay, ayna Madaxdu dar-dar galiyaan qodabada ay ku heshiiyeen.
Shirkan oo uu garwadeen ka ahaa Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland, Koofur Galbeed, Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble, guddoomiyaha golaha shacabka, dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay hadallo ka jeediyaan xafladan gunaanadka ah.
Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan midowga musharraxiinta ayaa iyaguna ku jira liiska hadal-jeedinka.