Hoggaamiyeyaasha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa gaaray Magaalada Dubai ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.
Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ahaa Madaxdii Xukuumadda Galmudug ayaa safarka ay ku tageen Magaalada Dubai waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Ahlusunna, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Ahlusunna ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta, iyagoona kala hadli doono Arrimo kala duwan oo weli xog dheeraad ah aan laga helin.
Ilo ku dhow dhow hogaanka sare ee Ahlusunna ayaa sheegaya in xiriir hoose uu dhexmaray Madaxda Ahlusunna Waljamaaca ee fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb iyo Imaaraadka Carabta.
Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii halkaas dagaal xoogan uu dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ee isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.