Madaxa Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World Ninka lagu Magacaabo Sultan Axmed Bin Salim ayaa waxa ka soo yeeray hadal hanjabad iyo jees jees isugu jiray kaas oo ka socday dowladda Jabuuti.
“Jabuutiyanku waxa aan ka dhignay bashar balse waxana ku celin doonaa sidii ay beri ahaayeen ayuu yiri Madaxa Shirkadda ee Dp Worldâ€
Warbixin dheer ee uu ka qoray Tv-ga Aljazeera sida dowladda Jabuuti uga baxday deal-kii ay UAE ku siiyeen Dekada Jabuuti ayaa lagu faah faahiyay in ay sabab u aheyd in Imaaradku ay ka soo bixi waayeen heshiiskii Balan qaadkii ay la galeen dowladda Jabuuti.
Suldaan Axmed Bin Salim Madaxii Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World ayaa laga soo xigtay hadal u muuqday mid jees jeesa ah kaas oo ahaa in iyagu ay Jabuuti dad ay ka dhigeen bale ay haatan meeshoodii hore ay ku celin doonaan.
Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan dalkeeda ka erisay Shirkada Dp World kadib markii lagu eedeyay in ay fulin waayeen qodobadii lagu heshiiyay.