Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabbilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador  Francisco Madeira waxa uu maanta Sahay iyo Qalabka lagu kaydiyo Cuntadda ku wareejiyey Wasiirka Difaaca ee DFS, Xasan Cali Maxamed “Amar dambeâ€.
 Ambassador  Francisco Madeira oo ka hadlay Munaasbadda uu qalabkaasi ku wareejinayey waxa uu tilmaamay in qalabkaasi loogu talagalay in lagu xadidio heer-kulka Cuntada ee xilliyadda ay Ciiddanka ku jiraan Hawlgalladda iyo dhufeysyadda.
Qalabka lagu wareejiyey Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Bashiir Maxamed Cabdi ayaa waxay ku jireen 6 Kontaynar, iyadoo Ciiddanka Milliteriga loogu tala-galay 4 Kontaynar, halka Ciiddanka Boliska loo qoondeeyey 2 Kontaynar oo ay ku jiraan qalabka cuntada lagu kaydiyo.
 Wssiirka Difaaca waxa uu ka mahad celiyey Deeqda lagu wareejiyey, isagoo sheegya inay qalabkaasi wax weyn u tari doonto ciiddanka xilliyadda ay ku jiraan hawlgalka dagaalka.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay Ciiddanka AMISOM qalab iyo sahay ku wareejiyaan dhigooda Somalia ee ay wada-shaqeynta ka dhexeyso.