Mas’uuliyiin ka socda Idaacadda BBC-da qeybteeda Afrika ayaa dhwaan booqasho hawleed ku tegay magaalladda Hargeysa, kadib, markii ay Maamulka Somaliland dacwad cabsho ah u gudbisay Madaxda Sare ee BBC-World Service, oo ku aadan inaysan Laanta Afka Soomaaligha dhexdhexaad ka ahayn Arrimaha Somalia iyo Somaliland.
Wafdiga BBC-da waxay ahaayeen Agaasimaha Qeybta Afrika ee BBC World Service Solomon Mugera iyo Madaxa Laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee Idaacadda BBC-da Carolina Korbia, kuwaasi oo Jimcihii la soo dhaafay booqasho hawleed ku tegay Hargeysa.
Waxay Kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), iyagoo isla eegay Wada-shaqeynta Labada Dhinac iyo waxyaabaha ay Somaliland qoonsadeen iyo sida loo xalin karo.
Kulankaasi kadib, waxaa Warbaahinta Dawladda la hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service Mr. Solomon Mugera iyo Madaxa Lamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service Mrs. Carolina Korbia, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo waxa ay isla qaateen laba dhinac ahaan.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu faahfaahin ka bixiyey kulankaas iyo natiijada ka soo baxday, wuxuuna yiri:- “Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr. Solomon Mugera iyo Madaxa laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service, Mrs. Carolina Korbia, waxay u yimaadeen Somaliland oo madaxdaas waa weyn loo soo diray, cabashadii aanu u gudbiney oo ahayd inaanay BBC-du dhex ka ahayn, arrimaha Soomaalida, inta badanna ay garab siiso Soomaaliya, taasi oo ka baxsan anshaxa warbaahinta lagu yaqaanay.â€
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Caddaani oo la hadlayey Masuuliyiinta BBC-da ka socday, waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday oo uu yidhi; “Waxaan BBC-da u sheegaynaa in warbaahintu ay tahay warbaahin xor ah, Somaliland-na waligeedba ay xor aheyd. si kasta oo aanu ula shaqeyn karanna aanu ula shaqeyno oo labadayada dhinacba xidhiidhkayaga wanaajinaya. waanan idin soo dhaweynayaa waxaanad ogaataan in xidhiidh wanaagsani innaga dhaxayn doono ogaataana inaanu jirin wax ujeeddooyin ah oo aanu leenahay ee ay tahay uun inaanu ilaalino sharaftayada iyo ta idaacada BBC-daba.â€
Madaxa Laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee Idaacadda BBC-da Carolina Korbia, ayaa sheegtay in wax ka qabashada dacwadda laga soo gudbiyey Laanta AfSoomaaliga ee BBC-du ay marinayaan hab-raaca ay Hay’adda BBC-du ku furdaamiso Dacwadaha iyo cabashooyinka isla qayb Hay’adda ka mid ah laga qabo ama laga soo gudbiyo. ‘
©Radio Dalsan