Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War Cusub kasoo saartay xaaladda Cudurka Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in looga baahan yahay in wax kasto la isugu geeyo la tacaalida iyo ka hortega faafida Cudurka Coronavirus oo sameeyay aduunka oo dhan.
Madasha Xisbiyada ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya kula talisay inay ka howlgasho sidii loo keeni lahaa guud ahaan dalka Agabka Caafimaad ee loogu talagalay la dagaalanka COVID-19, isla markaana arrintaas ay iskaashi ka sameeyaan Dowladda iyo Maamul Goboleedyada loona shaqeyo si wadajir ah.
Si kastaba Qoraalka Madasha ayaa waxaa kusoo beegmayaa, iyadoo xalay Wasaaaradda Caafimaadka shaacisay in tirada dadka laga helay Cudurka Soomaaliya ay gaartay 60 Ruux oo 32 kamid ah ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.