Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaamiyaan Madaxweyeyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa ka hor timid hadalkii kasoo yeeray Guddoomiye Xaliimo Yareey ee ahaa in Doorasho qof iyo Cod xiligaan aysan qaban karin.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ay ku fashilmeen inay dalka ka qabtaan Doorasho la wada sugayay oo ku dhacda waqtigii loogu tala-galay.
Waxaa kaloo Madasha Xisbiyada sheegtay in hadalkii Xaliimo Yareey ee ahaa in aysan qabin Doorasho waqtigeeda ku dhacda uu xambaareysan yahay oo kaliya hadafkii muddo kororsiga ahaa oo Hoggaanka Madasha dhowr jeer horey uga digtay.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka ugu baaqday inay Is Casilaan, kadib markii Madasha sheegtay inay lumiyeen kalsoonidii shacabka, isla markaana ay ku milmeen Madaxda dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn Madasha ayaa ku wargelisay Madaxda dowladda, dhamaan Umadda Soomaaliyeed iyo cid kasta oo dooneysa geedi socodka siyaasadda dalka in aan la aqbali karin muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda dowladda.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.