War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in tirro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan Xarunta AMISOM ee Xalane.
Dad ku sugan Nawaaxiga Garoonka ayaa sheegay in gudaha Xarunta Xalane ay ku dhaceen qaar kamid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray.
Sidoo kale Jugta tirrada hoobiyeyaasha la maqlay ayaa waxaa lagu sheegay inay ahaayeen ilaa iyo saddex Madfac.
Ilaa haatan ma cadda inuu khasaare ka dhashay weerarkan. Waxaa wararku ay sheegayaan in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaabka ah.