Wararka aan ka heleyno degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in xalay tiro madaafiic ah lagu weeraray Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee degmadaas.
Jugta madaafiicda ayaa dadka deeganka waxa ay sheegeen in ay siweyn uga maqleen halkaas isla markaana aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Bogga ay internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku sheegen  in tiro madaafiic ah ay ku rideen Saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur balse mashaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.
Ciidamada Itoobiya ayaa iyana waxaa lagu soo waramayaa in ay rideen madaafiic jawaab u ah kuwii ay ku soo tureen Al-Shabaab.
Xaalada degmada Xudur ayaa Maanta waxa ay tahay mid caadi ah welina dhankooda kama hadlin maamulka degmada Xudur ee Gobolka Bakool madaafiicdaas lagu soo tuuray Saldhigga Ciidanka Itoobiya ee Xudur.