Weerar madaafiic ku bilaawday ayaa lagu qaaday Fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Galgala ee Gobolka Bari Puntland.
Weerarkaan oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka Dhashay ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo sheegay in ay ciidamada Puntland khasaaro ku gaarsiiyeen.
Ciidamada puntland ayaa dhankooda ku riday tiro Madaafiic ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada puntland.
Xaalada deegaanka Galgala ayaa haatan ah mid degan,waxana la soo sheegayaa in ciidamada puntland ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.