Wararka aan ka heleyno deegaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Buufow oo hoostaga Marka, waxaana intaas kadib halkaas ka dhacay dagaal kooban.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidanka AMISOM ay dagaalka kadib madaafiic badan ay ku gaareen deegaano hoostaga Magaalada Marka, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro.
Sidoo kale Qofka la hadlay Dalsan ayaa sheegay in ku dhawaad 5 ruux oo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen Madaafiicda ay rideen Ciidanka AMISOM, waxaana dadka qaarkood soo gaaray dhaawacyo Culus.
Majiro weli wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan dadkii shacabka ahaa ee xalay waxyeelada kasoo gaartay Madaafiic ay rideen Ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan.