Jugta tirro Hoobiyeyaal ah ayaa Goordhow laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hoobiyeyaasha laga maqlay Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwa Tijaabo ah,isla markaana ay ridayeen Ciidamo ku sugan meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in Hoobiyeyaasha ay rideen Ciidaankaas oo lagu tababayo agagaarka Garoonka Aadan Cadde.
Dadka kunool Gobolka Banaadir ayaa dareemay Cabsi ku aadan Madaafiicda ay maqlayeen,hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwa tijaabo ahaa loo ridayay.