Wararka aan ka heleyno degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay mid kamid ah Macalimiinta wax ka dhigi jiray Iskuulada ku yaalla gudaha degmadaas.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa dad ku sugan Burtinle waxaa ay sheegeen inay toogteen Macalinka, isagoona u geeriyooday dhowr xabadood oo qeybaha sare ee Jirkiisa looga dhuftay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxammed Hayaan Geelle, isagoona ka howl gali jiray mid kamid ah Iskuulada ku yaalla degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo dhammaan Maaamulka Dugsiyada sare ee degmada Burtinle ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ustaad Maxammed Hayaan Geelle oo lagu toogtay qeybo kamid ah gudaha degmadaas.
Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Macalinka, hayeeshee waxaa uu dilkaas qeyb ka noqonayaa dilala horey uga dhacay degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.