Wargeyska The Star ayaa qoray in Kooxxo hubeysan saqdii dhexe ee xalay 2 Macallim ka qafaasheen Dugsiga Al-huda oo ku yaalla Xeradda Xagar-dheer ee Gobalka W/bari Kenya.
Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Wargeyska in rag aad u hubeysan xoog ku galeen Dugsiga Al-huda abaarihii kowdii iyo barkii ee sadqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay fureen rasaas aan loo kala aaba yeelin, waa sida ay hadalka u ddhigeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid ka mid ah Macallimiinta uu baxsaday, balse, dhowr Macallin ayaa la qafaashay.
Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamed Salaax ayaa Warbaaahinta u sheegay inay Saraakiisha si degdeg uga jawaabeen, isla markaana ay soo badbaadiyeen 4 Macallim.
Waxa uu tilmaamay inay xiriir la sameeyeen Ciiddanka Qaranka Somalia ee joogta Xuduudka, kana codsadeen taageero sidii loo soo badbaadin lahaa Macallimiinta la qafaashay.
Saraakiisha Boliska Kenya ayaa la sheegay in ayu xireen Baraha Xuduudka ee laga gudbo, gaar ahaan Deegaanadda Amuma, Abdi Sugow, Alinjugur, Kulan iyo Liboya.
Xeradda Xagar-dheer waxay ka mid tahay 5-ta Xero ee ay ka kooban tahay Xeradda Dhadhaab.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa la sheegay inay joojiyeen ddhamaan Hawlihii ay ka wadeen Xerooyinkaasi, marka laga reebo Dhaqdhaqaaqyadda Nolol-badbaadinta sida Cunto qeybinta.
Bishii October ee sannadkii 2015-kii, Ciiddanka Kenya waxay badbaadiyeen Macallin magaciisa lagu sheegay Windie Trust International, kaasi oo laga afduubtay Deegaanka Shaba-difu oo 15-KM ee gudaha Somalia.
©Radio Dalsan