Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa xilkii looga qaaday Cabdullaahi Xuseen Cusmaan oo ahaa Maareeyihii Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale wareegtada laguma sheegin shaqsiga kale ee loo magacaabay Maareeyaha Garoonka.
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka  Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Koonfur Galbeed .