Maareeyaha Cusub ee Hay’addaasi, Yuusuf Cabdi Cabdulle “Jaalle†waxa uu maanta ka qewyb galay Munaasabad ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo uu si rasmi ahaan ula wareegay Xilkaasi.
Maareeyaha waxa uu tilmaamay inuu wax badan ka qaban doono Hawlaha ay Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada u hayso Qaranka Somalia.
Waxa uu ku booriyey Hawlwadeennadda iyo Shaqaalaha Hay’adda inay sii labanlaabaan Kartidooda, isla markaana ay kula garab galaan Hawsha Qaran ee loo soo magacaabay.
Md. Yuusuf Cabdi Cabdulle waxa horey loogu magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, balse Maareeyaha xilka haatan haya, Jeneral Aadan Cabdi Ashkir ayaa ka biyo diiday inuu xilkaasi wareejiyo, isagoo sheegay in Dekereeto Madaxweyne looga qaadi karo Xilkaasi.
Dhinaca kale,  Madaxweyne Farmaajo waxa uu bishan April 21-dii u magacaabay Yuusuf Jaalle inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Somalia.
©Radio Dalsan