Ciidamada Maamulka soomaaliland ayaa xabsiga u taxaabay laba nin oo Ganacsade ah ku waas oo lagu eedeeyay in deegaanada Maamulkaas ay keeneen Kabo ay xagga hoose kaga qoran tahay Magaca Allah (SW).
Kabahaan ayaa ah kuwa Ragga ay xirtaan waxaana maalmihii u dambeeyay Suuqa Hargeysa laga waday howlgallo ay ku aruurinayeen Guddi loo xilsaaray kaas oo ka socday wasaarada diinra iyo Awqaafta maamulka Soomaaliland iyagoo kaashana ciidamada Booliiska Soomaaliland.
Labadaan Nin ee Ganacsatada ah ayaa Maalmihii u dambeysay waxaa hadal hayay Bulsahda Magaalada Hargeysa iyada oo ay ciidamada Booliiska Soomaaliland balse markii dambe ay gacanta ku dhigeen.
Ganacsatadii Labadaan Nin ee Ganacsatada ahaa iyo Kabahii la aruuriyay ayaa haatan waxaa lagu hayaa Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa,waxaana xusid mudan in hada ka hor Magaalada hargeysa la keenay Kabo ay ay xagga hoose kaga qoran yahay magaca Rasuulkeena Muxamed NNKH.
Shacabka Magaalada hargeysa ayaa aad ula yaabay Ganacsatada ku dhiiraday in Kabahaan ay ka Ganacsadan iyagoo taageeray talaabada ay qaadeen ciidamada booliiska maamulka Soomaaliland