Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi Jeex kaga qeyb galay Xaflada daah-furka Mashuur Cusub oo ay iska kaashadeen Midowga Yurub iyo Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somalialnd.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay munaasibad ballaaran oo loo sameeyey mashruuca Dhawrida iyo badbaadinta aariikhda soo jireenka ah ee Degmada laasgeel ee Somaliland.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi heshiis Mashuurca Ilaalinta soo jireenka Taariikhda Laasgeel ku kala saxeexday Somaliland iyo Midowga Yurub iyadoo uu a Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) halka uu Midowga Yurubna u saxeexay Amb Nicolas Berlanga, waxaana mashruuca fulinaysa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa uu u saxeexay Gudoomiyaha Xaruntaasi Jaaamac Muuse Jaamac.