Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay Qaraxii xalay lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Wanla-weyn ee Gobolkaas Maxamed Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaanay Koosto.
Qaraxaas oo ahaa Bam gacmeed ayaa rag hubeysan waxaa ay ku weerareen hoyga uu Wanla-weyn ka deganaa Marxuum Maxamed Koosto, iyagoo ragii hubeysanaa goobta ay si Deg deg ah uga baxsadeen falka kadib.
Guddoomiye Ibraahin Najax ayaa tacsi u diray Qoyska, Ehelada iyo shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose ee uu ka baxay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Wanla-weyn, waxaana uu sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkii dhacay.
Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ku sugan Degmada Wanla-weyn ayaa sheegay in lagu raad joojo dadkii ka dambeeyay  weerarkii lagu dilay Maxamed Cabdullaahi Cumar Koosto.
Sidoo kale weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Aabaha dhalay Marxuum Maxamed Koosto iyo xaas uu qabay, kuwaasi oo xiliga uu weerarka dhacayay ku sugnaa Hoyga la weeraray, iyadoo dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad.
Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Wanla-weyn, balse waxaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.