Ciidanka amniga Gobolka Bari iyo kuwa nabadsugida Maamulka Puntland ee PSF ayaa Magaalada Boosaaso kusoo Bandhigay waxyaabo qarxa, kadib howlgal ka dhacay halkaas.
Ciidamada ayaa soo Bandhigay qarax miino nooca dhulka aaso ah oo la xusay in lagu aasi rabay batamaha Boosaaso si lagu dhibaateeyo shacabka, hayeeshee Ciidanka amniga ay ka hortageen.
Laamaha amniga Gobolka Bari ayaa sheegay in qaraxaas ay doonayeen inay aasaa Al-shabaab iyo Daacish, balse lagu soo wargeliyay Ciidanka, sidaasina lagu qabtay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xussen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay hayaan gaarigii ay wateen aagii aasi lahaa walxahan qarxa ee lasoo bandhigay.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Ragii Watay Qaraxaasi oo goobta ka baxsaday.
Si kastaba Magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo Mas’uuliyiin, waxaana falalkaas sheegtay Al-shabaab iyo Daacish.