Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa maanta laga sameeyay howlgallo baaritaano ah, kaas oo lagu baadi goobayo dadkii ka dameeyay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay.
Howgalka ayaa laga sameeyay inta badan xaafadaha Magaalada Baydhabo, iyada oo ciidamadu ay Guri Guri u barayeen Xaafadahaas, si ay Gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay werarka khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Baydhabo.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Magaalada Baydhabo Aadan Cali Adan Carab, oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho aya sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu abadi goobayo dadkii soo abaabulay weerarka isqarxinta ahaa ee ka dhacay Baydhabo.
Waxa uu shegy in howlgalkaas uu yahay mid weli socda balse waxyaabihii ay ku soo qabtaan ay Warbaahinta la wadaagi doonaan, iyada oo ay jiraan dad ay ku qab qabteen howlgalkaas.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka