Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta soo saaray Amar lagu mamnuucay in deegaanada maamulkaas la keeno qaadka oo horey ay u joojisay Dowladda Federaalka sababo la xiriira faafida Cudurka Coronavirus.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cali Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in la mamnuucay in qaadka la keeno guud ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Qoraalka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa Ganacsatada qaadka keenta deegaanka Maamulkaas lagu faray in aysan wax qaad ama Jaad ah keeni karin, isla markaana cidii keenta laga qaadi doono tallaabo adeg.
Amarkaan lagu mamnuucay qaadka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyada oo saakay Ciidanka amniga Maamulka Koonfur galbeed ay gubeen Jaad la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
 Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Maamulka Koonfur Galbeed.