Wararka ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.
Biyo la’anta ugu badan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto deegaannada kala ah Diif, Dhoobley iyo deegaannada dhulka xeebta ah ee Jubbada Hoose, halkaasoo kunool yihiin qoysas farabadan oo wajahaya dhibaato darran.
Mid kamid ah dadka deegaanka Dhoobley oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay inay deegaanka iyo tuulooyin kale oo hoostega ay ka jirto Biyo la’aan baahsan, isla markaana baahida ugu weyn ee hadda qabaan ay tahay biyo oo u baahan yihiin in lasoo gaarsiiyo.
Guddoomiyaha deegaanka Dhoobley ee Maamulka Jubbaland Siyaad Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in xaalad adeg oo dhinaca nolosha ay heysato boqolaal qoys oo dan yar oo u baahan gurmad deg deg, maadaama ay isugu darsameen abaar iyo biyo la’aan.
Sidoo kale Guddoomiye Siyaad ayaa Maamulka Jubbaland iyo Hay’addaha Gargaarka ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaran shacabka dhibaateysan, wuxuuna xusay in haddii dadka aan gurmad la gaarsiin ay nolosha sii adkaan doonto.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubnbaland Axmed Xuseen Baraki oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in abaar darran ay ka jirto deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana Hay’addaha Gargaarka ay kala hadleen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan ee saameynta ku yeelatay abaarta iyo biyo la’aanta jirta.