Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Fuuma ee dhanka Galbeed kaga beegan Xarunta KMG Jubbaland ee Kismaayo.
Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha kuwehliyay qaar ka mid ah labada Gole ee Maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqamagaalada iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedka safarkan ayaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ay soo gudbinayaan dadka degaanka ee ah in ay ku dhib qabaan dad ay ku sheegen in ay ku hawlan yihiin jarista dhirta oo keeni karta in uu dhulku nabaad guuro.
Mas’uuliyiinta Maamulka ee uu hoggaaminayey Maxamuud Sayyid iyo bulshada deegaanka ayaa isla qaatay in si wada jir ah looga soo horjeesto dadka degaanka nabaad guurka kawada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadka degaanka kala hadlay in Maamulka lagala shaqeeyo ilaalinta degaanka iyo Amniga degaanka sinabad loogu wada nolaado.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu soo saaray Go’aan lagu mamnuucay jarista dhirka iyo shixida dhuxusha, iyagoona Digniino adeg u diray dadka ku howlan arrimahaas.