Wasiirka cusub ee Amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Ibraahim Cali ayaa sheegay in la xoojin doono howgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaas, si looga saaro Al-shabaab gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka ayaa sheegay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalkaas, si loo xaqiijiyo amaanka deegaanada Hirshabeelle oo uu xusan inay ciidamadu u dhaqaaqi doonaan deegaanada iyo halka ay ka soo duulaan Al-shabaab.
Maamulka Hirshabeelle ayaa ladaala dhacaya dhibaatooyin xaga maamulka,waxaana intaasi usii dheere abaaraha ka jira deegaanada qaar ee Hirshabeelle iyo dagaalka uu maamulku kula jiro Al-shabaab.