Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal biyaha looga qaadayo wadada fagax ee degmadaas oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka oo ay xireen biyo farabadan oo ka hooray roobabkii Caasimadda ka da’ay.
Wadada Fagax ayaa sidoo kale waxaa xiray qashin iyo carro badan, waxaana haatan Maamulka Yaaqshiid bilaabay olole washaqda iyo biyaha looga qaadayo halkaas, kadib markii RW Rooble uu maamulka Gobolka amray in waddooyinka biyaha laga qaado.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa sheegay in wadada Fagax ay xireen biyo, isla markaana aad ugu adkaatay inay gaadiidka maraan, hayeeshee uu Maamulka isku howlay sidii loo nadiifin lahaa wadadaas.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdullaahi Cariif ayaa codsaday shacabka dhaqan degmadiisa inay ka qeyb qaataan Howlahaan shaqo ka socda wadadaan si loo helo wado nadiif ah, isla markaana uu dib u soo laabto isku socodka halkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Maxamed Xuseen ayaa horey Maamulka Gobolka ugu amray in waddooyinka Caasimadda ay xireen biyaha roobabkii da’ay laga qaado, isla markaana uu amarkaas fuliyay Maamulka lagana qaaday waddooyinka biyo yaallay.