Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu Maamulka Gobalka Banaadir qorsheynayo markii ugu horreysay in Canshuur laga qaado Xarumaha Ganacsiga ee ka dhex furan Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa la filayaa inay magacaabaan Guddi ka soo shaqeeya Nidaamka ugu fudud ee Lacagha Canshuuraha looga qaadi karo Hoteeladda, Baarar, Carwooyin, Goobo lagu caweeyo, Xafiisyadda Shirkadaha Qandaraaslayaasha, iyo goobo kale oo Gnaacsi oo  ka dhex furan Xeradaasi, oo ay wada deggan yihiin Danjirayaal, Diplomasiyiin, Saraakiisha QM, kuwa AMISOM iyo kuwa Hay’addaha Caalamiga.
Guddiga waxay kaloo soo tiro-koobi doonaan Tirada Xarumaha Ganacssiga ee  Xerada Xalane ee ay ku waajibtay in laga qaado Canshuurta.
Guddiga waxay Wasaaradda Maaliyadda ee XFS kala xaajoon doonaan Nidaamka Hab-raaca Canshuuraha laga qaadayo goobaha Ganacsiga ee Xeradda Xalane, waxaana laga yaabaa inay caqabado kala kulmaan sidii Canshuur looga qaadi lahaa Xeradda Xalane oo la og yahay inay tahay Deegaan ka madax bannaan Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan Degmadda Wadajir.
Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadaasi ayaa ah qorshihii ugu horreeyey ee Maamulka Gobalka Banaadir ee uu abid ka fekero sidii Canshuur looga qaadi lahaa Xarumaha Ganacsiga iyo Xafiisyadda Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa NGO-ga ee Dhaqdhaqaaqyadda Ganacsiga ee aan muuqanin ku dhex leh Xeradda Xalane.
©Radio Dalsan