Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulkaas.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay in dagaal beeleedyada dhacaya ay yihiin kuwo siyaasadeysan, isagoo ku eedeeyay dad kala duwan iyo Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle inay jiraan dad isugu jira rag iyo dumar oo doonaya in la sii huriyo Colaaad beeleedyada ka dhaca deegaanada Galmudug, si loogu yeero howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ay Ciidanka wadaan.
Falagle ayaa waxaa uu tilmaamay in cidii kasta oo ku lug yeelata sii hurinta dagaal beeleedyada sida Ganacsado, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada ay Galmudug ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan, isla markaana la tiigsan doonaan Maxkamad.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Al-shabaab ku eedeeyay inay ay qeyb ka yihiin dagaal beeleedyada dhacaya, wuxuuna carabka ku dhuftay in marnaba maamulka arrintaas uusan aqbali doonin, lala sii wado howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba hadalka Wasiirka Warfaafinta Falagle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo deegaano ka tirsan Galmudug ay mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayeen dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana ugu dambeeysay maalintii shalay oo dagaal xoogan laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray gobolka Mudug.