Wasiirka Xannaanada Xoolaha Maamul goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Maxamed ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo suuqa xoolaha ee magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, waxaana suuqu uu yahay mid lagu iibiyo Xoolaha.
Waxaa uu sheegay wasiirku in suuqa weyn ee Xoolaha uu diyaarsan yahay, waxaana si toos ah loo furi doonaa 9-ka bishaan aynu ku jirno, wasiirka ayaa intaas ku daray in aan la aqbali doonin in xoolaha lagu iibiyo meel aan ahayn suuqa weyn ee magaalada Guriceel.
Waxaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo ganacsatada uu ugu baaqay in ay suuqa wax ku kala iibsadaan, maaddaama dhismahiisa uu waqti iyo qarash farabadan uu galay, waxaana dhismaha suuqa ka qayb qaatay ha’ado waa weyn oo ay ka mid yihiin NRC iyo UK aid.
Horay waxaa xarigga kaga jaray suuqaan madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana la sheegay in suuqa ay u dhammaytiran yihiin qaybaha kala duwan ee loogu tala galay iibinta xoolaha.
Waxaa jira baahiyo badan oo bulshada reer Galmudug ay u qabaan suuqaan Xoolaha, waxaana jira dad badan oo xoola dhaqato ah oo usoo iib-geeya xoolahooda Guriceel.
hoos ka Aqriso warqadda