Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka ayaa Maanta waxaa shir ku yeeshay Maamulkii Gaalkacyo ee xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Galmudug ee waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Maamulka Gaalkacyo iyo Golaha deegaanka ee la kala diray ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Xaaf uusan xilka ka qaadi Karin, isla markaana shaqada Maamulka ay sideeda kusii socon doonto.
Cabdiraxmaan Maxamed Ahmed Guddoomiye ku-xigeenka Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan Golaha deegaanka oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin shaqadooda Warqadii xalay uu soo saaray Madaxweyne Xaaf.
Sidoo kale Maamulka ayaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf ugu digay Khaska iyo fowdada uu ka wado gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka oo dhawaan uu gaaray, isla markaana uu ka wado arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda iyo Doorashada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Si kastaba Xaaf ayaa xalay Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa, waxaana sidoo kale lagu kala diray Golaha deegaanka degmadaas.