Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Danab xubno ka tirsan Golaha degaanka degmadaas.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka Maandooriyaha gaar ahaan Qamriga iyo sidii Culimadda uga howlgali lahaayeen ka hortagga Maandooriyaha iyo ficilada xun xun ee ka dhasha.
Dhanka kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii shacabka iyo laamaha amniga ay isaga kaashan lahaayeen soo afjaridda ragga Mobilada ka qaadata shacabka xiliyada habeenkii ah oo bilihii dambe Gaalkacyo ku soo badanaysay.
Ugu dambeyntii Mas’uuliyiinta iyo Saraakiishii ka qeyb gashay kulanka ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu baaqay inay la shaqeeyaana laamaha amniga.