Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maanta kala diray Guddiga Iskaashatooyinka gaadiidleyda ka howlgasha Gobolkaan.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa lagu kala diray Guddiga Iskaashatada gaadiidleyda, iyagoona Guddiga lagu eedeeyay inay kumilmeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda ayaa Maamulka Gobolka Banaadir u soo gudbisay Warqad ay kaga dalbaneyso in laga kala diro Guddiga Iskaashatooyinka, isla markaana ugu dambeyn Maamulka uu kala diray.
Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa laamaha amniga dowladda Federaalka ku wargeliyay in la kala diray Guddigii iskaashatada gaadiidleyda, sidoo kalena waxaa la xusay in dib laga soo magacaabi doono Guddi kale oo baaris lagu sameeyn doono.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u Akhrinayay Wareegtada ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda ay la dagaalami doonaan cid kasta ku dhaqan Caasimadda dalka ee Muqdisho oo taageero siisa Al-shabaab.