Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdooyin amni darro ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo howlgal qorsheysan oo sameeyeen Ciidanka Dowladda.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore soo sheegay in laamaha amniga dowladda ay toogteen Nin doonayay inuu miino ku aaso wado ku taalla Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid, sidoo kalena ay baxsadeen laba ruux oo la socday Ninkaas.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidanka amniga ay gacanta ku dhigeen miinada iyo rumuudyo laga koontarooli lahaa, isagoo sheegay in xiligaas ninka la tooganayay ay aheyd abaaro 03:00 habeenimo ee xalay.
Sidoo kale Afhayeen Saalax Dheere ayaa sheegay in salaadii cesho ee xalay qarax miino oo lagu dhex qariyay Jawaab uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo goobta ka Agdhawaa.
Ciidanka amniga dowladda Federaalka ayuu sheegay in goobta ay tageen, kadibna ay sameeyeen baaritaano ku aadan qaraxaas oo Jugtiisa laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa shacabka ku dhaqan Caasimadda ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, sidoo kalean shacabka faray inay ka fogaadan goobaha khatarta looga sheego.
Ugu dambeyn Afhayeen Saalax Xasan Cumar Saalax Dheexe ayaa sheegay in Ciidanka amniga ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafadaha Ciisa Cabdi, Xoosh, Suuqa Xoolaha iyo Ceelasha biyaha, isla markaana waxaa lagu qabtay 23 qof oo laga shakiyay.